Qaxootiga Kanada - Waxaa tirisay Xaawa Jibriil
Qaxootiga Kanada dhakhso waa u qaabishaa
Lamana qadiyee waxbaa loo qotshaynayaa
Qanaacad ma laha lacagtaannu qaadannaa
Qawtalyoonka iyo guryohooda qaaligaa
Markii loo qaybasho jeebkaagi baa qallalan
Ummad qalaad weeyw oo qaarba meel ka yimid
Salaan kaa qaadahayn oodan la qabsan karin
Qofkaad aragtaaba albaab buu qafilanayaa
Waa qaloodaayoo cidladu waa wax lagu qandhado ee
Qadiyadaydiiyo qarankaan u heesi jirey
Africa quruxdeedi haddaan ka qaawanahay
Refugees in Canada - Composed by Hawa Jibril and translated by Faduma A. Alim
Indeed Canadians welcome refugees
And do not let them starve
Yet one is always unsatisfied and broke
For the little we get
Hardly suffices our food and shelter.
They are strange people coming from everywhere
Never notice you or even greet you
Each one keeps to himself
Always hastily locking his door.
I feel isolated and sick with loneliness
Deprived from my beautiful Africa
And the land of my inspirations and songs.
I must be contended with the fate
That my God has reserved for me.
|